Daawo Sawirro: Lamaane dhaqaalihii ku bixi lahaa arooskooda ugu deeqay qoysas ka soo barakacay Abaaraha

Daawo Sawirro: Lamaane dhaqaalihii ku bixi lahaa arooskooda ugu deeqay qoysas ka soo barakacay Abaaraha

daajis.com:- Lamaane magacyadooda lagu soo kala gaabiyey Liibaan iyo Caasho ayaa qaaday Talaabo ku dayasho mudan ka dib markii dhaqaalihii ku bixi lahaa arooskooda ay weeciyeen iney wax ugu qabtaan dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira dalka.

Liibaan iyo Caasha ayaa lacagtii ay ugu talo galeen arooskooda go’aansaday iney raashiin iyo biyo ugu iibiyaan qoysas ka soo barakacay abaaraha oo degan duleedka magaalada Gaalkacyo.

Deeqdan ay dhaqaalihii arooskooda ku iibiyeen lamaanahan ayaa waxa la sheegay iney gacantooda ugu qeybiyeen dadkii tabaaleysnaa ee ay ugu talo galeen, waxayna sheegeen ineysan mashxarad iyo aroos dhigan karin, iyadoo dad walaalahood ah ay u dhimanayaan gaajo iyo haraad.
Talaabada ay qaadeen lamaanahan oo noqotay wax ku cusub dhalinta Soomaalida ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey bulshada Soomaaliyed, waxayna tusaale u tahay qurba joogta iyo dadka kale ee maalin walba qarashka ku bixinaya xafladaha maalaa yacniga iyadoo dadkooda ay gaajo iyo haraad u dhimanayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada