daajis.com:- Guurku sidiisaba waa calaf iyo halka uu nasiibkaagu yahay. Iyadoo ay taas jirto ayaa hadane loo baahan yahay, in dhowr meelood laga eego marka aad guursaneyso ama aad xulanayso ruuxii aad la wadaagi lahayd aayaha mustaqbalka.
Qofka doonaya in uu ku guulaysto ruux noloshiisa waxa tar u yeesha oo guurkiisa aanu kala kulmin dhibaato, waa in uu ku doortaa shuruudahan iyo kuwii la halmaala:
1. Ha noqdo qofka aad nolosha la wadaageyso qof aqoon leh, maxaa yeelay dadka aqoonta u ehelka ahi waxay is fahmi karaan qof kasta, waxayna ku dhamayn karaan si is faham ku dheehan yahay. Gaar ahaan hooyada aqoonta lehi waxa ay awood u leedahay in ay soo saarto ubad tarbiyaysan, kana guulaysan kara duufaanada jahliga. Waxaa horey loo yiri hooyo wax baratay waa bulsho wax baratay.
2. U dhago nuglaaw murti baa tidhaa, “Wiilkaada mar ayuu hiilo kaaga baahan yahay, waana marka aad hooyadiis doonayso.” Hadii ninku uu guursado haweeney jaahilad ah – haba qurux badnaatee – ilmoha ay dhasho wiil amo gabar midkuu rabo ha ahaadee, wuxuu waayay garabkii uu uga baahnaa dhinacaas. Halka hadii uu aabaha ku guulaysto inuu guursado haweeney gaari ah,aqoonna leh oo ay garasho u dheertahay, waxay u badan tahay in ilmaha ay yeeshaan uu noqdo mid ka dhisan xaga dadnimada, kuna fiicnaado waxbarashada.
3. Ogowna in macallinka ugu horeeya ee ilmohu uu yahay hooyadood, sidaa darteed isku day intii karaankaada ah inaad soo guursato gabar aqoon u ehel ah, gaar ahaan ha u daymo la’aan diinta iyo hadii ay suurto gal tahay dhanka caafimaadka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at