DAAWO: Soomaali Laga Masaafuriyey Mareykanka oo Muqdisho kasoo degay

DAAWO: Soomaali Laga Masaafuriyey Mareykanka oo Muqdisho kasoo degay

daajis.com:- Dawladda Maraykanka ayaa tarxiishay koox kale oo muwaadiniin Soomaali ah oo la sheegay in maanta laga dejiyey magaalada Muqdisho.


Saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta Muqdisho kasoo degtay diyaarad wadda Soomaaliya laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka.

Dadka lasoo masaafuriyey ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxay idaacadda VOA u sheegeen inay tiradoodu dhan tahay 68 qof.

Waa markii labaad ee dad laga soo masaafuriyey Maraykanka ay soo gaaraan Muqdisho tan iyo intii uu xukunka qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Soomaaliya waxay ku jirtaa lix waddan oo dawladda Maraykanka ay si ku meel gaar ah muwaadiniintooda qaxootiga ka mamnuucday inay soo galaan Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada