daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka musaafurisay labo muwaadin Kenyan ah oo dalka ku jooga sharci darro ku joogay, kuna shaqeysanayay.
Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha qeybta daba galka ayaa gacanta ku dhigtay labada nin, waxaana maanta dib loogu celiyay dalka Kenya.
Hey’adda Socdaalka ayaa sidoo kale labadan nin ka mamnuucday inay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaana ay ku wargelisay hey’adaha kala duwan inay ka foogijnaadaan.
Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la shaqeeya hey’ado kala duwan oo badankood ka howl gala Garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa xoojisay howl galkeeda daba galka ee la xiriira muwaadiniinta aan sharciga ku joogin dalka, waxaana horay digniino uga soo saartay arrintan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:38 and have
, Published at