Daawo Video: C.wali Gaas oo ka hadlay Wuxuu kala soo Noqday Imaaraadka iyo Itoobiya Iyo Xog dheeraad ah (Warbixin)

Daawo Video: C.wali Gaas oo ka hadlay Wuxuu kala soo Noqday Imaaraadka iyo Itoobiya Iyo Xog dheeraad ah (Warbixin)

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey Puntland kadib safar  uu ku tegey dalka Itoobiya iyo Imaaraadka carabta ayaa  sheegay safarkii ay ku tageen dalka Itoobiya ay keentey in bisha Maajo 2017 uu bilaaban doono dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, iyo waddada isku xirta laamiga dheer iyo degmada EYL.

Madaxweynuhu ma sheegin cidda uu wada hadalka uu kala la galay ee garoonka  iyo wadada, Balse wuxuu Adis Ababa kulamo kula qaatey shirkad laga lee yahay dalka Shiinaha oo xarun ku leh dalka Itoobiya, taas oo lagu wado in ay dhisto garoonka diyaaradaha iyadana la siiyo Block shidaal oo dhaca gobolka Nugaal. Shirkaddan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gobolka Nugaal ka hirgeliso waddada tgta degmada EYL ee dhacda badweynta Hindiya.


Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka hadlay safar kisii Dalka Imaaraadka carabta isagoona sheegay in uu ahaa ujeedku ballaarinta mashruuca dekedda Magaalada Boosaaso, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu inay meel fiican marayso, isla markaana uu uga soo tegey dardargelinta shaqadaasi wefti uu hormuud u yahay gudoomiya Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada