daajis.com:- Waxaa aadan horey u arag ayaad dabcan ka filaneysa xubnaha is badal doonka la baxay ee qabsaday xukunka Villa Somalia 8dii Febraayo.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo waqti kooban magacaaban ayaa wali ku mashquulsan xulista xubnaha ka mid noqnaya xukuumadiisa, iyadoona ay sida Qorshuhu yahay ay wax badan xiiso u yeeli doonta xukuumada Cusub.
Qof kasta oo laga aqbalo codsigiisa oo ay madaxda Dowladdu isku raacaan inuu wasiir noqdo waxaa laga rabaa inuu hantidiisa keeno guud ahaan, kadib waxaa lagu wareejin doonaa Bankiga dhexe kaas oo diiwaan galin doona, sidoo kalana la socon doona.
Waxaa dib loo fiirin doona maalinta uu ka tagaayo xafiiska wixii kusoo kordhay hantidiisa waxaana laga rabaa inuu sharaxo wixii hanti dheeraad ah ee uu helay intii uu wasiirka ahaa iyo meesha uu ka keenay.
Arintaan ayaa la aaminsan yahay iney Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre doonayan iney kaga hor tagaan musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Somalia.
Waa markii ugu horeysay oo Shuruud nuucaan lagu daro xulashada golaha wasiirada , Hantida wasiirka looma soo bandhigo doono dadweynaha iyo saxaafada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at