Hogaanka Amisom oo Sheegay in Ciidamada Soomaaliya aysan Hanan Karing Amnihga Goobaha la Xoreeyo (VIDEO)

Hogaanka Amisom oo Sheegay in Ciidamada Soomaaliya aysan Hanan Karing Amnihga Goobaha la Xoreeyo (VIDEO)

daajis.com:- Hogaanka Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom Mr. Francisco Madeira ayaa qirtay in qorshaha iminka loo dejiyay ee ah weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqaya in la kordhiyo ciidamada Amisom, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay la wareegaan ilaalinta amniga goobaha horey looga xoreeyey urur Al-Shabaab.

Madeira ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay xaaladda ay iminka ku sugan yihiin inaysan awood u lahayn inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga saaray.
Isaga oo ula jeeda ciidamada Soomaaliya ayuu Madeira yiri, in kuwii ay ahayd inay ayaga dagaalamaan, ay ciidamada Amisom ka sugayaan inay ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri in Amisom ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.

Francisco Madeira ayaa sheegay in Amisom waligeed aysan sii joogidoonin dalka Soomaaliya, loona baahanyahay in la dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo Xoogan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada