Maxkamadda sare ee Dalka Koonfurta Kuuriya oo Maanta Madaxweynihii Dalkaasi Xilka ka Xayuubisay (VIDEO)

Maxkamadda sare ee Dalka Koonfurta Kuuriya oo Maanta Madaxweynihii Dalkaasi Xilka ka Xayuubisay (VIDEO)

daajis.com:- ayaa go’aan t aan ka noqasholahayn ka gaartey madaxweykaha dalkaasi, kadib markii baarlamaanku uu soo jeediyey in xilka laga qaado haweeneyda dalkaasi Madaxeweynaha ka ah.

Sababta xilka looga qaadey Mrs.Park Geun-Hye ayaa lagu sheegay in musuqmaasuq iyo ku-takrifal awoodeed ay ku kacday haweeneydaasi.

Bishii Disembar ee sanadkii tegay ee 2016-da ayuu Baarlamaanku go’aamiyey in xilka laga xayuubiyo madaxweynajha, laakiin taasi ayaa go’aanka kama danbeysta ah ka sugeysey Maxkamadda sare, waxaana Maxkamadu ay maanta go’aamisay in marwada Park Geun-Hye xilka laga qaado.

Park Geun-Hye ayaa ahayd madaxweynihii u horeeyey ee Haween ah oo Kuuriyada Koonfureed Madaxweyne ka noqota, waxaana la doortey sanadkii 2012. Park waxaa dhalay keligii taliyihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Chung-Hee kaas oo ka talinaayey dalkaas 1961-1979.

Park Geun-Hye ayaa laga xayuubiyey sharci awoodeedkii u diidi karay (immune) in maxkamad la horgeeyo, waxaana ay u badan tahay in lagu soo oogo dacwad la xiriirta laaluush ay ka qaadatey shirkadda electroni-ga- suubisa ee Samsung.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada