Donald Trump oo ka niyad jabay fashil ku yimid qorshe uu doonayay in uu hirgalo

Donald Trump oo ka niyad jabay fashil ku yimid qorshe uu doonayay in uu hirgalo

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay fashil ku yimid sharci iyo qorshe uu ku doonayay in meesha looga saaro adeega caafimaad ee loo yaqaan Obamacare uu hirgaliyay Madaxweynihii ka horeeyay.

Waxa uu sheegay Donald Trump in uu aad uga niyad jabay bur burka ku yimid sharci cusub uu doonayay in meesha looga saaro adeega Caafimaad ee Obacare uu horey u balan qaaday in uu meesha ka saari doono.

Xisbiga Jamhuuriga uu katirsan yahay Madaxweynaha ayaa dib ula noqday hindi sharciyeed meesha looga saari lahaa Obamacare kahor inta aan la horgeyn codna aysan u qaadin Koongareeska dalka Mareykanka.
Madaxeynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ololihii doorashada waxa uu balan qaaday in uu meesha ka saari doono adeegga caafimaad ee Obamacare ay hirgalisay dowladii hore.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada