daajis.com:- Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inuu dib u howl gelinayo dekeda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo garoonka diyaaradaha ee Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo 15 sano ka hor la isticmaali jiray, xilligii hoggaamiye kooxeedyada.
Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe ayaa kormeer ku tagay Dekeda Ceel Macaan iyo deegaanka Ceel cadde oo ku yaalla duleedka Muqdisho.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib loo howl geliyo labadaas goobood oo muhiim u ah dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle
Waxaa rajo laga muujiyay dib u howl gelinta Garoonka Cisaley, kaasoo ay sheegeen inuu ka soo degi doonaan diyaaradaha Hey’addaha sama falka iyo kuwa Qaadka ka keena Kenya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in hadii dib loo howl geliyo Dekeda Ceel Macaan ay shaqo ka heli doonaan dhalinyarada iyo xoogsatada deegaanka, kuwaasoo shaqo la’aan soo food-saartay.

Hadii Maamulka Hirshabeelle uu dib u howl geliyo labadan goobood ayaa waxay noqon karaan labo il dhaqaale oo u sahli kara maamulka inuu horumar ka sameeyo kobaca dhaqaalaha, waxaana sidoo kale dadka rumeysan yihiin inuu culeyska ka qaadi doono Dekeda Muqdisho oo xilligan ah mid mashquul ah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at