Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la kulmay Warbaahinta Madaxa Banaan ee Dalka (SAWIRRO)

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la kulmay Warbaahinta Madaxa Banaan ee Dalka (SAWIRRO)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa maata xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxda iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Farmaajo oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, iyadoo Dagalkaasi markii dambe shabaabka looga xorreeyey magaalada Muqdisho iyo gobolada ku xeeran.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, islamarkaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha guracan ee kooxda Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda inay dowladdiisu diyaar u tahay inay wada shaqeen buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada