Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in Wasiirada la soo Xulay aysan Matalin Qabiilo

Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in Wasiirada la soo Xulay aysan Matalin Qabiilo

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan baraalan waxa uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kudhaqan iyo Ganacsatada ka shaqaysta xaafada Islii ee Magalada Nairobi.

Khudbadii Madaxweynaha uu u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed halkaasi ku nool ayaa waxa ay ku saleysned sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Hormarada kala duwan ee dalkooda ka socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay hanaanka loo maray soo xulista Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, Waxa uuna sheegay Madaxweynaha in Golaha Wasiirada aan lagu soo xulin hanaan Qabiil, balse lagu soo xulay Aqoon iyo Karti, isagoo taasi ugu sheegay kulan uu la qaatay golaha wasiirada cusub.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ganacsatada u sheegay Deeqaha kala duwan ee ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan walaalahooda dhibaateysan in loo bixin doono si cadaalad ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkani ka sheegay kulan uu xalay Magaalada Nairobi kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada