daajis.com:- Ciidamada Booliska dalka Nigeria ayaa gacanta ku dhigay daqiiqado yar ka hor gabar 14 jir oo damacsaneyd inay isku qarxiso ciidamada dowladda markii ay soo xiratay jaakadda lagu rakibo qaraxyada magaalada Maiduguri.
Gabadhaan oo ay kusoo xireyn qaraxaan ururka dalkaas ka dagaalamo ee Boko Haram ayaa lasoo sheegay inay dooneyso inay is miidaamiso taasoo noqotay mid aad loola yaabay.
Sida ay sheegtay SKY News, gabadhaan kasoo jeedo dalka Nigeria ayaa booliska u sheegtay inay Boko Haram soo siisay lacag gaareyso 200 oo lacagta Nigeria ah kadib ay amreyn inay xirato suunka qarxo iskuna qarxiyo meel ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Nigeria.
Gabadhaan ayaa waxaa wehlisay gabar kale oo ay saaxibo ahaayeen waxayna labadooda booliska u sheegeyn inay arrintaan ku qasbeyn mintidiinta Boko Haram sidoo kalana ay siiyeen lacagtaas aadka u yar.
Hadal heynta ugu badan dalka Nigeria ayaa noqotay sida ay Boko Haram ugu dhiiradeyn inay gabadhaan 14 jirka ah usoo xiraan suunka qarxo.
Ururkaan ayaa dhawr jeer dalkaas ka geystay weeraro iyo qaraxyo sidoo kalana waxay mar afduubteen ardayda aad u yar yar oo ay heysteen muddo badan weliba ilaa hadda la la’yahay qaarkood.
Halkaan hoose ka daawo muuqaalka warbixintaan
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at