Daawo: R/wasaare Khayre oo Khudbad Cajiiba u Jeediyey Haweenka, Wacadna Ku maray isku tashi iyo Digniin uu diray

Daawo: R/wasaare Khayre oo Khudbad Cajiiba u Jeediyey Haweenka, Wacadna Ku maray isku tashi iyo Digniin uu diray

daajis.com:- Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maalintii shalay Khudbad ka jeediyey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu siwayn uga hadlay Arimo kala duwan, Isagoo ka qayb galay Munaasibad ay soo Qaban-qaabiyeen Haweenka Soomaaliyeed.


“Hadii aanu Nahay Ragga Soomaaliyeed waanu Qirsanahay inaanu Duminay Dalka, Waana Qirsanahay inaanu Awoodi waynay inaanu dalkeenii dib u dhisno, Laakiin Hada ayaanu soo Jeesanay oo diyaar u nahay ” ayuu yidhi Rw. Khayre.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa digniin kasoo saaray isqab qabsi soo kala dhexgala Hay’adda sharci dajinta iyo xukuumada xili uu kawaramayey shaqooyinka horyaala dowladda cusub, Wuxuuna sheegay in Dowlada Somalia aysan u dulqaadan doonin khilaaf iyo is qabqabsi waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay fududaha in shaqsiyaadkaasi ay shaqadooda ka tagaan inta aysan carqalad iyo sumcad xumi u abuuri lahaayen Dowlada.

“Dibad wax ka sugi mayno, Cid kale ku tashan mayno, ilaahay iyo Inaga ayaa isku Tashan doona, Waxa ugu Horeeya waa in Xoolaha yar ee dalku leeyahay lagu maamulo Cadaalad, oo aan la Aqbali doonin in la Lunsado” ayuu yidhi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada