DAAWO: Gaadiid ku Xaniban duleedka Garoowe iyo Ciidan kale oo Qabsaday Xaruntii Dowlada Hoose ee Gaalkacyo

DAAWO: Gaadiid ku Xaniban duleedka Garoowe iyo Ciidan kale oo Qabsaday Xaruntii Dowlada Hoose ee Gaalkacyo

daajis.com:- Gaadiidkii ugu badnaa ayaa maanta ku Xaniban labada Kaantarool ee magaalada Garoowe, Kuwaasi oo ay la Wareegeen Ciidamo Gadoodsan oo ka Cabanaya Mushahar La’aan gelinkii danbe ee shalay, Kuwaasi oo diiday  in Gaadhi uu soo Galo ama uu ka Baxo Garoowe.

Gaadiidka ayaa isaga Gudbi Jiray Gobolada kala duwan ee Soomaaliya Waxayna isugu Jiraan Gaadiid ay Saaran yihiin Khudaar, Kuwa shacabka, iyo Kuwa ay Saaran yihiin Dad Bukaano ah.

Mid kamid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa sheegay inay kasoo baxeen magaalada Boosaaso, Kuna sii jeedeen Gaalkacyo, Qaar kamid ah ay kusii Jeedeen Baladwayne, Halka qaar kalana ay kusii Jeedeen Itoobiya, Wuxuuna sheegay inay Ciidamo Halkaasi ku hortaagan yihiin, Isagoona saaka Halkaasi soo gaadhay 09-kii Subaxnimo ee Saacada Soomaaliya.


“Ciidanku waxay ii sheegeen Dib u Laabo, Aniguna Qof shacab ah ayaan ahay waan Aqbalay Amarka, Sababta ma garanayo ay Noo Xanibeen “ ayuu yidhi mid kamid ah Darawalada ku Xaniban duleedka Garoowe.

Dhinaca kale Ciidamo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la Wareegay Guud ahaan Xarunta Dowlada Hooose Waxayna ka Cabanayaan Mushaar la aan Mudo ku siman 4 Bilood, Waxaana Hakad galay Shaqooyinkii Halkaasi ka socday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada