Jaamacadda Muqdisho oo bilowday howlo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen Abaaraha

Jaamacadda Muqdisho oo bilowday howlo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen Abaaraha

daajis.com:- Maamulka sare ee Jaamacadda Muqdihso oo maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen ayaa waxay kaga dhawaaqeen Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda, iyadoo Guddiga howshiisa tahay sidii uga qeyb qaadan lahaa howlaha la xiriira gurmadka deg dega ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Guddigan Prof- Dr-Maxamed Xuseen Ciise “Liibaan” oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho Arrimaha Xiriirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gar-gaar deg deg lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Waxaa uu ku dheeraaday kaalinta islaamka kaga jiro is-taageerida iyo isu damqashadada bulshada islaamka, isagoo soo qaatay aayado iyo axaadiis faro baddan, waxaana uu shacabka ku booriyey inay isu kaalmeeyaan isuna naxariistaaan.
Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, xubina ka ah Guddiga sare ee Jaamacadda ayaa kulanka uga qeyb qaatay khadka taleefankii, waxaana uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay isu gar gaaraan

“Waxaan xusuusin lahaa dadka waxa haysta ama xiliyada kala gadisan wax cuna in ay yareeyaan cuntada ayna gaarsiiyaan walaalahooda u baahan ee ay abaarta ku habsatay”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho

Sidoo kale waxaa kalimadii hormuudyada Jaamacadda Muqdisho ku hadlay Ustaad Cabdiqaadir Shiikh Axmed Maye, oo balan qaaday in ay kaalintooda ka soo baxayaaan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursale oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho ay tahay jaamacadii ugu horeysay ee bilowday waxbarasho 20-kii sano ee u dambeysay, isla markaana kaalin muuqato kaga jirtay u kaalmeynta shacbiga soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in isku filnaasho la gaari karo, hadii dadka Soomaaliyeed ay is caawiyaan.
Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay gurmad deg deg ah oo jaamacadda Muqdisho la gaari doonto dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku dhufatay, waxaana uu ugu baaqay ardayda, macalimiinta iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed inay ku deeqdo wixii xoog iyo xooloaba intii tabartiisa ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ee soo socota ay dhamaan xarumaha Jaamacada laga dukan doono Salaad roob doon ah oo Alle loogu baryayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha saameeyay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho, ma ahan markii ugu horeysay ay howlahaan oo kale kaqayb qaataan. Waxay hore gargaar u gaarsiiyeen fatahaadihii kadhacay gobolka Shabeellaha Dhexe sannadkii 2006-dii, abaarihii dhacay sannadihii 2011-kii iyo 2013-kii.
Ugu dambayn jaamacadda muqdisho waxay ugu baaqaysaa dhammaan maamulka, macalimiinta, ardayda dhigata jaamacada iyo kuwa ka qalanjabiyay, shaqaalaha iyo saaxiibbada Jaamacadda dhammaantood waxay ugu baaqaysaa inay isu taagaan siday walaalahood aabaaruhu wax yeeleeyeen ugu fidin lahayeen hiil iyo hooba wixii karaan kooda ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada