Sawirro: Sidee ayuu ahaa jawiga Villa Somalia daqiiqadihii magacaabida wasiirada

Sawirro: Sidee ayuu ahaa jawiga Villa Somalia daqiiqadihii magacaabida wasiirada

daajis.com:- Madaxtooyada Somalia ayaa goordhow gashay Jawi ka duwan kuwii hore waxaana halkaasi buux dhaafiyay Siyaasiyiin kamid noqday Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa u hanbalyeynaaya Wasiirada cusub waxaana durba dhaliil laga muujinayaa shaqsiyaadka uu Ra’isul wasaaraha usoo magacaabay xilalka oo aan qaarkood laheyn Khibrad Siyaasadeed.

Wasiirada cusub ayaa waxaa ku dhex jira Siyaasiyiin horay u geystay musuq Hanti Qaran, waxa ayna tani ka hor imaaneysaa ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa la dagaalanka shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa.

Beelaha qaar ayaa helay Wasaarado aan horay loogu ballanqaadin waxaana la sheegayaa in Wasaaradahaasi ay isbedeleen saacadihii ugu danbeeyay.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa jahwareer Siyaasadeed ka heystaa qaabka lagu qancin doono Beelaha looga baxay ballanka ee aan lasiin Wasaaradihii leysku ogaa.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada