Soomaalida iyo Muslimiinta Kale ee Dalka Ingariiska oo ka Hadlay Weerarkii London (VIDEO)

Soomaalida iyo Muslimiinta Kale ee Dalka Ingariiska oo ka Hadlay Weerarkii London (VIDEO)

daajis.com:- Soomaalida iyo dadka kale ee muslimiinta ah ee ku nool magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarkii ninkii xagjirka ahaa uu ka gaystay magaalada London.

Dadkani la waraystay oo gabigaaduba ahaa dad Muslimiin ah oo masjidka ka soo baxay ayaa dhaleeceeyay kana soo horjeestay falkii wuxuushnimada ahaa ee uu gaystay ninkaasi, kaasi oo dad aan waxba galabsan ku laayay magaalada London ee Caasimada dalka Ingariiska.



Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingariiska ayaa waxaa iminka la soo gudboonaaday cabsi hor leh, iyagoo Imaamyada masaajidada looga digay inay ka taxadaraan weerar uga imaankara dhanka dadka Isir nacaybka wada, waxaana dadkaasi cunsuriyiinta ah badankood ay daba dhigteen gabar la sheegay inay Soomaali tahay oo maraysay goobtii uu weerarka ka dhacay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada