Muuqaal:Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisulwasare Khayre oo Xal u helay Diidmada Xukuumada Go’aan lama Filaan ah.

Muuqaal:Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisulwasare Khayre oo Xal u helay Diidmada Xukuumada Go’aan lama Filaan ah.

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kula kulmay inta badan Golaha Wasiirada ee magacaaban.

Dhinacyadan, ayaa iska wareystay diidmada ay Xildhibaanada qaarkood ka keenayn wadada loo maray magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda iyo sida ugu haboon ee looga falcelin karo.

105 Xildhibaan, ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dib ugu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada, iyagoo ku andacoonaya inaanan magacaabistooda lagu salayn nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.


Xildhibaanadan, ayaa waxay sheegeen in sad-bursi loo sameeyay beelaha qaar, halka kuwo kalana la qadiyay, sidaasi daraadeedna ay dalbanayan ka hor inta aan Baarlamaanka la horkeenin in dib loogu laabto Golaha Wasiirada.

Kulankan oo sida la sheegay looga yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ka cudurdaartay, balse waxaa bedelkiisa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/laahi.

Wada hadal iyo fallanqayn dheer ka dib, ayaa waxay dhinacyadan isu waafaqayn inaanan waxba laga bedelin Golaha Wasiirada, ha yeeshee Wasiir kasta laga doonayo in uu raadiyo kalsoonida Xildhibaanada diidan.

Tani, ayaa waxaa loo fasirtay in Farmaajo iyo Khayre ay garowsadeen inaanan la dhayalsan karin hujuumka ka soo fuulay Xildhibaanada, isla-markaana ay xasaradan siyaasadeed si buuxdo u soo geliyen Golaha Wasiirada ee magacaaban, xilli 43 ka mida Wasiirada ay yihiin Xildhibaano.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada ka biyo diidan Golaha Wasiirada cusub, ayaa sheegay in ay soo badanayan Xildhibaanada saluugsan Wasiirada magacaaban.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada