TOP NEWS: Cabdi Wali Gaas oo maanta Saxiixaya heshiiska Dekeda Ber Bera ee Imaaraadka

TOP NEWS: Cabdi Wali Gaas oo maanta Saxiixaya heshiiska Dekeda Ber Bera ee Imaaraadka

daajis.com:- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.



Wafiga Cabdi Wali Gaas ee Imaaraadka gaaray waxaa la socday Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Maaliyada Cabdulaahi Sheekh, Wasiirka Arrinaha Guddaha Axmed Karaash, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cawil Xasan Daad.



Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay halkaas utageen  heshiiska dekedda magaalada Boosaaso taas oo la filayo iney   kula wareegto  shirkada DP-World, shirkadaas oo horey ula wareegtay dekedda Berbera, waxaana la filayaa inuu heshiisku manta uu dhacdo.


Imaaraadka ayaa dadaal ugu jira inuu iska indha tiro dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu doonayaa in danaha uu ka leeyahay Soomaaliya umaro maamul goboledyada oo ay ku dhisan tahay dowlada dhexe.


Hadii madaxweynaha Puntland uu manta saxiixo heshiiskaas, waxaa qasab ku ah inuu kula soo laabto gudaha Soomaaliya iyadoo la horgeyn doono barlamaanka maamulkaas.



Dowlada dhexe ee dalka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin arintan taas oo culeyska ku badineysa madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada