daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xerada Ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliya ee Damaanyo, taas oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Xerada Damaanyo ayaa waxaa ka socda dhisme xoogan oo dib loogu howlgalinayo 26 sano ka dib, kaasoo ay wado shirkad ay maalgelisay Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa markii uu xerada gaaray waxa uu kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xeredaasi iyo dhismaha dayactirka ee sida xowliga ah uga socda qaybaha kala duwan ee xaruntaasi.
Xerada Damaanyo ayaa ka mid ah xeryaha qadiimiga ah ee ay leeyihiin ciidamada militeriga taasi oo ku burburay dagaaladii sokeeye, waxaana dib u howlgelinteeda ay qeyb ka tahay dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at