Wikileaks oo Shaacisay in Sirdoonka Maraykanka ay Dhagaystaan Taleefanada, Computereda iyo TV-yada Shacabka (VIDEO)

Wikileaks oo Shaacisay in Sirdoonka Maraykanka ay Dhagaystaan Taleefanada, Computereda iyo TV-yada Shacabka (VIDEO)

daajis.com:- Website-ka Wikileaks ayaa baahiyay macluumaad ku saabsan waxa ay ku sheegtay farsamooyin badan oo hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato inay basaasto xogtana kagala baxdo kombuyuutarrada iyo taleefanada shacabku ay adeegsadaan.

Farsamooyinkan la sheegay in ay CIA-du adeegsato ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin barnaamijo si fudud sirta ugala bixi kara Softwara-da Windows, Android, iOS, OSX iyo Linux oo dhamaantood ah habab ay kombuyuutaradda iyo telefoonnada Smartphone-ka ay ku shaqeeyaan.

Software-adan wax lagu basaasayo ayaa la sheegay in CIA-du samaysatay laakiin waxa kale oo la sheegay in laanta sirdoonka ee UK ee MI5-da ay gacan ka siisay CIA-da in ay sameeyaan barnaamijyada ay kula socon karto TV-yada Samsung, kaas oo mikarafoonka ku jira Tv-yadaas ay u adeegsadaan inay dadkaka dhagaystaan.

Af-hayeen u hadlay Hay’adda Sirdoonka ayaa sheegay in CIA-du aanay xogtan soo baxday xaqiijin karin.

Af-hayeen isna u hadlay wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Ingrisiika ayaa isna sheegay in aanu ka hadli karin arrintani.

Wikileaks ayaa waxa ay sheegtay inay xogtani ka heshay cid ay ku kalsoontahay, ujeedada baahintuna tahay in laga doodo in hay’adda CIA-du ka talowday xadkii awoodaheeda loogu siiyay inay dadka basaasto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada