16 shay oo hadduu qofku isku arko u baahan yahay gargaar caafimaad oo degdeg ah, Fadlan akhriso si aad u garatid astaamaha halista ah.

16 shay oo hadduu qofku isku arko u baahan yahay gargaar caafimaad oo degdeg ah, Fadlan akhriso si aad u garatid astaamaha halista ah.

daajis.com:-  Degdeg caafimaad waa marka dhibaato ama dhaawac uu jiro u baahan in isla markiiba wax laga qabto. Waxay taasi dhacdaa marka dhibaatada caafimaad ee qofku qabo ay keeni karto in qofku dhinto ama waayo xubin jidhka ah sida far, gacan, lug, ama qayb kale.
Haddii qofku aanuu gargaar degdeg ah helin, waxaa dhici karta in dhibaato aad u xumi ku dhacdo ama uu dhinto.

Kuwan soo socda ayaa tusaale u ah degdegga caafimaadka:

  • Xanuun laabta ah ama cadaadis laabta ah oo wata dhidid iyo neefsashada oo kugu adag
  • Miyir beelid, suuxid
  • Neefsashada oo dhib ah ama hawada oo kugu xiranto
  • Haddii aad cuntid ama cabtid sun ama dawo badan
  • Dhiig bax aan joogsaneynin
  • Dhaawac xun oo ka yimi dhicis ama shil
  • Kufsasho (weerar galmo)
  • Qof ku garaacay ama jug ku gaarsiiyay
  • Marka qof isku dayo inuu is dilo
  • Gariir ama jareyn bilaabanta ama joogsan weyda
  • Neef ama dhib neefsashada ah oo degdeg qofka u qabta oo joogsan waysa
  • Kabuubyo degdeg ah ama adiga oo aan dhaqaajin karin gacan, lug, hal dhinac oo jidhka ah
  • Aragga oo aad weydid, adiga oo waxba arki waaya
  • Madax-xanuun degdeg ah oo aad u xun, oo gaar ahaan wata xanuun qoorta ah ama isbeddel xagga garashada
  • Isbeddel ku dhaca awoodda maskaxda, sida adiga oo aan garanaynin meesha aad joogtid ama kuwa ay yihiin saaxiibadaa, qoyskaaga, ama shaqaalaha kula shaqeeya
  • Marka qof dumar ahi fooshu qabato iyadoo wakhtigii umusheeda wax badani ka hadhsan yihiin
  • Marka aad ay ku haysato mid ka mid ah xalaadahaas, waxa gargaar caafimaad lagaa siin karaa habka gargaarka caafimaadka ee degdegga ah. Inta badan meel kastoo aad joogtid waa qasab in aad si dhakhso ah ku gaartid isbitaal ama aad wacatid ambulance.
  • Is daji, u hadal tartiib iyo si cad, ka dibna dhibaatada ku haysa u sheeg shaqaalaha gargaarka degdegga ah.

Haddii aad astaamahaas kore isku aragtid waxay ka tarjumaysaa xanuun halis ah ee ha is dhihin waxyar u sug, hana isku dhakhtaraynin ee talo dhakhtar oo degdeg ah raadso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada