Booliska Dalka Sweden oo soo Bandhigay Nin lagu Tuhmago Inuu ka Danbeeyay Weerarkii Magaalada Stockholm (VIDEO)

Booliska Dalka Sweden oo soo Bandhigay Nin lagu Tuhmago Inuu ka Danbeeyay Weerarkii Magaalada Stockholm (VIDEO)

daajis.com:- Booliska dalka Sweden ayaa soo bandhigay sawirka ninka lagu tuhmayo inuu ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Magaalada Stockholm.

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Stockholm ayaa sheegaya in gabi ahaanba la adkeeyay amaanka xarumaha Dowladda goobaha ay maraan Tareemada iyo xarumaha mashquulka badan.

Ciidamada aad u hubeeysan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka sida weyn loo is ticmaalo gaar ahaan bartamaha magaalada iyo goobtii uu galabta ka dhacay weerarkii gaariga xamuulka ah loo adeegsaday.

Masuulka ugu sareeya Booliiska dalka Sweden Mr.Dan Eliasson ayaa xaqiijiyay dhimashada 3 qof , halka warar kalana sheegayana in dhimada ay gaareyso ilaa 4-qof , iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo weerarkaasi ka dhashay.

Booliiska dalka Sweden iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa heegan buuxa la galiyay, waxaa gudaha dalka Sweden lagu faafiyay sawirada Shaqsigii ka dambeeyay weerarkan oo booliiska dalkaas si ay aqoonsadeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada