Daawo: Kulan dhexmaray Wasiir Maryam Qaasim iyo Wafti ka socda Imaaraadka oo Muqdisho soo gaadhay

Daawo: Kulan dhexmaray Wasiir Maryam Qaasim iyo Wafti ka socda Imaaraadka oo Muqdisho soo gaadhay

daajis.com:- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.

Kulankan ayaa waxaa yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryan Qaasim iyo wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta.


Intii uu socday kulanka ayaa dhinacyadan waxa ay isla soo qaadeen heerka ay la egtahay Abaarta ka jirta Soomaaliya, iyo sida ay muhiim ugu tahay in wax laga qabto, si loo badbaadiyo dadka dhibaateysan.

Wasiirka Gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryan Qaasim oo kulanka marka uu soo idlaaday warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay wafdigan in ay yihiin wafdi hordhac ah oo u socda shacabka Soomaaliyeed in ay la wadaagaan dhibaatada heysta iyo sidii ay ugu gar gaari lahaayeen.

Sidoo kale Marwo Maryan Qaasim Wasiirka Wasiirka Gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay maalmaha soo socda guud ahaan dalka in laga bilaabi doono Raashiin qeybin iyo biyo dhaamin, taasi oo gacan weyn ay ka geysaneyso Dowladda Imaaraadka Carabta.

Abaaraha dalka ka jira ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ee ku dhaqan Gobolada dalka, waxaana saaxibada Soomaaliya ay wadaan dadaalo dadkaasi lagu badbaadinayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada