Daawo Muuqaal: Al-Shabaab oo soo bandhigtay Askari ka tirsan Ciidamada Kenya oo codsi layaab leh diraayo

Daawo Muuqaal: Al-Shabaab oo soo bandhigtay Askari ka tirsan Ciidamada Kenya oo codsi layaab leh diraayo

daajis.com:- Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Askari ka tirsan Ciidamada Kenya kaasoo lagu magacaabo David Ngugi Wataari oo ka tirsanaa guutada 120- aad ee madaafiicda melleteriga Kenya, wuxuuna ku dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya, wuxuuna diray codsi ku aadan inay Kenya ka jawaabto Farriintiisa.

Waxa uu fariimo kala duwan uu udiray shacabka kenya qoyskiisa iyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyaatta, muuqaalkaan iyo farriinta uu dirayo askarigaan oo Soomaali ah ka aqriso halkaan hoose:

Magaceyga oo dhameystiran waa David Ngugi Wataari, Waxaan ahay askari Kenyaan ah oo ka tirsan guutada 120aad ee madaafiicda, Waxaana ku dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya. Markale waxaan heystaa fursad aan idinkula hadlo hadaad tihiin dadka reer Kenya, anigoo dalbanaya caawinaadiina. Sidaad ogtihiinba, 15-kii bishii January ee sanadkii la soo dhaafay Waxaa magaalada Ceel-cadde nagu soo weeraray Al-Shabaab kuwaas oo ugu dambeyntii saldhigeena iqtixaamay, cagtana mariyey xerada iyo wixii ku jiray. Qaar badan oo saaxiibadeena ah wey dhinteen, Anaguna Al-Shabaab ayaa gacanta nagu dhigay, anagoo maxaabiis dagaal ah.

Si kasta oo ay noqotaba waxa in badan iga yaabiyey ayaa ah in laga soo bilaabo waqtigaas ilaa maanta oo laga joogo muddo 15 bilood ah in aanan wax hadal ah ka maqal dowlada Kenya. Su’aasheydu waxay tahay: Kuma ayaa na keenay Soomaaliya. Shaki kuma jiro in halkan ay na keentay dowlada Kenya.

Ka dib wixii nagu dhacay Ceel-cadde, Dowladeenu gabi ahaanba wey iska keen ilowday. Waxaan ka codsanayaan dowlada Kenya in ay na soo gaarto oo ay na caawiso. Na Caawiya sababtoo ah anagu Soomaaliya kuma imaanin rabitaankeena balse waxaan ku imaanay rabitaanka dowladeena, Iyaga ayaana amarkeeda qaadanay oo aan xuduudda kaga soo gudubnay, kuna imaanay halkaan.

Dowladeyda waxaan leeyahay: Maxaad noo nacdeen oo meel cidla ah nooga dhaqaaqdeen markii nala qabtay xilli bilowgii hore aad idinka ahaydeen kuwa soo diray Soomaaliya. Anagu waan gudanay waajibkeena, weliba sidii ugu wanaagsaneyd baan u gudanay basle waxay arintu ku soo dhamaatay in aan noqono Maxaabiis oo aan ku dhacno gacanta Al-Shabaab, Idinkuna waad na dayacdeen.

Waxaan ugu baaqeynaa qoysaskeena in ay la fariistaan Saraakiisha dowlada laga soo bilaabo gudi hoosaayada, Xildhibaanada, Gudoomiyeyaasha, iyo xitaa madaxweynaha si na loo caawiyo oo aan ugu dambeyntii guryaheena dib ugu soo noqo.

Sidoo kale, Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Kenya in ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay noo caawin lahaayeen. Ceel-Cadde ka dib, waad ogtihiin xaqiiqda ah in askar badan oo Kenyaati ah la dilay, kuwa kalena nolosha lagu qabtay iyagoo maxaabiis ah. Waxay u muuqataa in aad gabi ahaanba iska ilowdeen musiibadii uu idiin keenay dagaalkii Ceel-cadde. Idinka dartiin ayuu u dhacay dagaalkaas, Maantana waad iska ilowdeen oo dhabarka ayaad ka tuurteen. Hadaba anigu waxaan Shacabka reer Kenya ka codsanayaa in aysan na hilmaamin.

Haddii qoysaskeena, Shacabkeena, Siyaasiyiinteena, iyo madaxweynaheena uusan na caawin, Yaa na caawin doona? Haddii aydaan na caawinin waxaan ka cabsanayaa in aan ugu dambeyntii weyno nolosheena. Qeyla-dhaanteyda ugu daran waxay tahay: in Haddii fariinteydu idiin soo gaarto aad na soo caawisaan oo aad nagu soo taageertaan wax waliba oo aad awoodaan. Ma jirto cid aan ku tashaneyno oo aan idinka ahayn laga soo bilaabo Saraakiisha dowlada ilaa Qoysaskeena.

Waxaan doonayaa in aan hadalkeyga ku soo gaba-gabeeyo fariin aan u dirayo marwada koowaad Margret Kenyatta. Waxaad tahay Hooyadeena, Adiga ayaana kugu tiirsanahay. Madaxweynaha waxaa laga yaabaa in uu yahay qof mashquul badan laakiin waxaan adiga kugu boorinayaa in aad marwaliba xusuusiso in uu askar u soo diray Soomaaliya, Qaar iyaga ka mid ahna la qabtay oo ay noqdeen maxaabiis. Hadaad marwaliba ku celceliso oo aad sidaas u xusuusiso arinteena, ma hilmaami doono. Waxaan kaa codsanayaa in aad madaxweyaha ku booriso sidii uu kaga shaqeyn lahaa sii deynteena.

Markale, waxaan ugu baaqayaa madaxweynaheena in uusan na dayicin oo uusan noo iloowin sidii madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni uu u ilooway askarigiisa Masassa. Isaga iyo Dowlada Uganda-ba wey dayaceen oo halkan Soomaaliya ah ayey ku ilaaween sidaas darteed waxaan madaxweynaha iyo shacabka Kenya ku boorinayaa in aysan noo iloowin sida Masassa loo hilmaamay oo kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada