DAAWO: Wasiirka Madaxtooyada S.land oo Aflagaado qaawan ugaystay beelaha Qayaad & Bahararsame, kuna Hanjabay In ciidanku Meydkooda Daadin doono”

DAAWO: Wasiirka Madaxtooyada S.land oo Aflagaado qaawan ugaystay beelaha Qayaad & Bahararsame, kuna Hanjabay In ciidanku Meydkooda Daadin doono”

daajis.com:- Wasiirka Madaxtooyada ee Maamulka Somaliland ayaa magaalada DHUMAY ee Gobolka Sool Khudbad Hanjabaad u badan ugu Jeediyey Beelaha Colaadu ku dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool.


“Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Ba’harrarsame) waanu idinku dhex jirnaa walina waanu idiin maaro la’ nahay, maantana waxaanu qaadaynaa talaabooyin kuwii hore ka xoog weyn, Waxaa noo Dhinaa Inaanu idin Layno  oo Meyd badan oo idinka ah Daadino, Taasna hada ayaad Nagu Khasbaysaan” ayuu yidhi.

Dhinaca kale wuxuu ku sifeeyay Inaysan ahayn Dad Caqli iyo Garasho ay leeyihiin ku kala Jooga, Balse ku kala Baqaya Ciidanka Somaliland “ Caqli iyo xikmad Aad idinku Leedihiin Kuma kala Joogtaan ee Waxaa Ku kala Joogtaan Awoodda Dawladda Somaliland, Markaa waa Abaal ka Dhac Inaad Tidhaahdaan Waa isku Kaayo Eegteen.”  ayuu Hadalkiisa Raaciyey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada