Wasiir Beyle oo ku amray hey’adaha dowladda in Lacagaha ay qabtaan ku soo shubaan Bankiga

Wasiir Beyle oo ku amray hey’adaha dowladda in Lacagaha ay qabtaan ku soo shubaan Bankiga

daajis.com:- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray amar uu ku farayo Hey’addaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada dowladda in lacagaha ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe.

Hadalkan ayuu Wasiirka ka sheegay kulan uu la yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda, waxaana Wasiirka sheegay in aan la arki karin Hey’ad qabaneysa lacago oo bulshadana u fulineysa adeegii ay u baahnaayeen.

“Wixii hada ka dambeeya dhamaan hey’adaha dowladda iyo shirkadaha waa in lacagta ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe, iyagana ay markaas fuliyaan wixii adeeg ay u baahan yihiin shacabka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bankiga Dhexe lagu soo shubo lacagaha, waxaana arrintan looga gol leeyahay isla xisaabtan, isla markaana uu Bankiga dhexe qabto howlihii uu xil saarnaa.

Hey’addaha dowladda ayaa qabta lacagaha ay ku fuliyaan adeegyada dowladda, sidoo kale waxaa jira shirkado gaar loo leeyahay oo iyana lacago ka qabta shacabka, iyagoo adeegyo u sameeya.

Amarkan ka soo baxay Wasiirka ayaa si gaar ah u saameynaya qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda, sida Ganacsiga, Gaadiidka, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, howlaha Guud, kuwaasoo qabta lacagaha shatiyada iyo adeegyada lagama maarmanka u ah shacabka, waxaana la faray in shacabka doonaya adeegyada loo sameeyo in marka hore lacagaha ku soo shubaan Bankiga Dhexe, isla markaana Wasaaradahaasna ay fuliyaan adeega.

Waxaa kaloo amarkan uu saameynayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Muqdisho, kuwaasoo qandaraasyo ka heysta dowladda, waxaana ka mid ah shirkada bixisa leesanka iyo taargada, iyo kuwa kale oo lagu amray in wixii hada ka dambeeya aanay qaban karin wax lacag ah.

Inta badan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradaha ayaa bankiga ku soo shubi jiray lacago ay ka qabtaan adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan, iyadoo lacagahaas ka jaran jiray 30%.
Lama oga sida uu u fuli doono amarkan, iyadoo la og yahay in shirkado gaar loo leeyahay ay gacanta ku hayaan dhamaan adeegyadii bulshada oo ay si toos ah lacagaha u qabtaan, isla markaana xubno ka tirsan dowladda ay shirkadaha qaar saami ku leeyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada