MUUQAAL SIR CULUS: Qorshaha 30-ka Sano ee socda Imaaraatku ka leeyahay Dekadaha Somalia oo lasoo Bandhigay

MUUQAAL SIR CULUS: Qorshaha 30-ka Sano ee socda Imaaraatku ka leeyahay Dekadaha Somalia oo lasoo Bandhigay

daajis.com:- Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo si weyn uga faalooda Arimaha Soomaaliya horeyna usoo noqday musharax madaxweyne ayaa ka hadlay qorshaha 30­ka sano ee soo socda Imaaraatka Carabta uu ka leeyahay dekadaha Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in Imaaraatka uu yahay Cadow Soomaaliyeed oo uusan fulineyn qorshaha iyo horumarinta dalka Soomaaliya, sida uu sheegayna uu doonayo inuu hor istaago horumar ay sameeyaan dekedaha Soomaaliya.


Wuxuu si cad u sheegay in imaaraatka uu damacsan yahay in soddonka sano ee soo socdo wax horumar ah ineysan sameyn dekedaha Soomaaliya, maadaama haddii ay horumaraan dekadaha Soomaaliya caalamka uu dhan uu kusoo xirmayo.

“Imaaraatka waa cadow Soomaaliyeed, fiiri wuxuu doonayaa in soddonka sano ee soo socdo aysan horumarin dekadaha Soomaaliya, oo wuxuu doonayaa in 30­kaa sano Soomaalida isaga kaliya gacmaha u taagtaan shilimaadka yar ee laga helayo”.

“Haddii horumar Soomaaliya ay sameyso waxaa xirmayo Suuqa Dubai sababtoo ah meesha aanu ku naal iyo sida aan caalamka sida tooska ah ula macaamiili karno, marka Imaaraatka ma doonayo in suuqaasi uu ka xermaa, sidaasi daraadeed waa in horumar aysan sameyn Soomaaliya si DUbai aysan u xirmin” ayuu hadalkiisa ku daray Jaamac.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada