Isku Dhaca Badan Ee Lamaanaha Waxey Ka Faaidaan Arimahaan Oo Kale “Tusaalaha Qiso Dhab Ah”.

Isku Dhaca Badan Ee Lamaanaha Waxey Ka Faaidaan Arimahaan Oo Kale “Tusaalaha Qiso Dhab Ah”.

daajis.com:- Marka hore ilaahay hanaga koriyo mashaakilka badan ,aqaladeenana ha ka nabadgeliyo shaydaanka kan insiga iyo Jinnigaba. Mashaakilaadka qoyska waa wax dhacaya oo guri walba taabanayaa, mararka qaarkiisna waa lama huraan, waana sida kaliya labada isqabtaa ay ku bartaan ayna ku ogaadaan qofka kale dabeecadiisa.

Mar allana markuu ogaanshaha iyo is aqoonsashada uu kordho, waxaa wanaagsnaada xiriirkii iyo isku soo dhawaanshaha labada is qaba. Markay labada is qabtay heshiiyaan (markay in mudo ah kalla aamusnaayeen oo qof waliba madaxa dhinaca kale sariirta u jeedinaayey), waxaa dhalanayo xiiso dheeraad oo qadarin ku dheehan oo ka dhadhan mac tii hore oo aad moodid inaad hada kaliya aad is guursateen.

Maxaa yeelay aqoontii ayaa korodhay oo qof walba wuxuu dhibsanaayay oo caloosha ku hayay banaankuu soo dhigay iyo qof walibana wuxuu ogaanaa inuu qofka kale ka deeqtooneen.

Waxaa muhim ah in labada isqabtaa dhexdooda ay isla xaliyaan ayna iska ilaaliyaan in arintooda dibada u baxdo oo ayan ku murmin dad kale hortooda gaar ahaana caruurta ay dhaleen. Waxaa kaloo wanaagsan in markuu dhib jiro dhibaatada jirta ay wajahdaan oo ay yareeyaan magac isku yeerista iyo calaacalka. Maxaa yeelay, hadii aad waajahdid xaaskaaga oo cay iyo calaacal aad gasho, waxbana makuu kordhinayso (Mindi calool gashay maxay u gashay lama yiraahdo, sideen u daaweynaa baa la yiraahdaa).

Waqtiga aad wada hadlaysaana waxaa waa inuu ahaadaa waqti qof walba degan yahay oo uu nastay oo aan caraysnayn. Gaar ahaan raggu waxay u baahan yihiin waqti intay ka dagayaan si uu uga soo kabsado tacabka maalinta markuu guriga soo galo.

Tusaale fiican waxaa i noo ah sheeko dhab ah oo ka dhacday dalka Kuwait. Waxaa jirtay gabar ninkeeda ay is qabeen mudo 5 sanadood ay ogaatay in ninkeeda uu khiyaanayo oo uu xiriir la yeeshay gabadha khaddaamada ee guriga ka adeegta oo ah ka yimid dawladaha Aasiya.

Gabadhii furka ma tuuranin ismana xanaajin oo way fakartay siday uga hortagi lahayd dhibka foosha xun oo jira ayadoon reerkeeda burburin.

Waxay weydiisatay walaasheeda (umana sheegin waxa jira) inay gabadha khaddaamada laba maalmood ay gurigeeda la joogto. Ninkeeda baa guriga soo galay, markuu nastay uu shaah weydiistay, ayadaana u keentay mana ka waalin. Markaasuu wuxuu yiri aaway gabadhii khadaamada ahayd maanta?, Waxay ku tiri gabadhii maanta aad ayay u xanuunsatay, dhakhtarkaan u geeyay, markey baareena waxay ogaadeen in gabadha cudurka AIDska ay qabt, Ninkii meesha ayuu ku naxay oo gurigaa ciriiri ku noqday.

Markaasa waxay tiri, guriga walaashayda aan uga soo tagay tikid ayaana u soo gooyay, baasaboorkeeda isii si ay u dhoofto. Ninkii orod ayuu cusbitaalka ku tagay inuu isbaaro, waxaa layiri wax ma qabtid, laakiin tawbo run ayuu tawba keenay oo ilaahay ayuu usoo noqday, gabadhiina waa dhooftay.

Markaad fiiriso, gabadhani mashaakilka jira ayay waajahday. Markuu guriga soo galay haf kuma dhihin, shaah ayay u keentay, wuu cabay ilaa uu asaga sheekada ka bilaabo, wayna ku guuleysatay inay ninkeeda ilaah u tawba keeno oo ceebtiisana banaanka ay u bixin.

Hadaba hadii aan soo koobo faa’idooyinka ka soo baxa mashaakilaadka dhexmara labada isqabta waxay yihiin sida hoos ku qoran: (Mar labaad walaalayaal, tan micnaheeda ma aha in mashaakil la doon doonto, ilaahay hanaga haayo dhib, laakin in aad dhinaca fiican wax ka aragtid)
1. Khibrada labada is qabtaa way kordhaysaa, taasna waxay u suuro galinaysaa in marka kale ay diyaar u yihiin iyo mustaqbalkana ay ayaguba dad kale dhexdhexaadiyaan. Ha noqoto caruurta ay ayaga dhaleen, asxaabtooda ama reerkooda dad ka mid ah. Xitaa markaa fiirisid sheekada kor xusan, khibrada ay xaaska yeelatay mudada shanta sanadood ay is qabeen ayaa u suuro galisay inay si xirfad leh u xaliso mashaakilkeeda. Bad degan Badmaax fiican ma soo saarto.
2. Waxay ogaanayaan dabeecadaha reerka labada is qaba ay ka dhasheen sida soomaalida ku maahmaahdo Tol waa hal la qalay (Tol qof fiican iyo xunba waa leedahay). Tusaale ahaan ninkii wuxuu ogaanaa in gabadha hooyadeeda ay tahay wax garad oo ay si wanaagsan ay u wajahday arinta. Ama wuxuu ogaanaa in hooyada ay celcelis tahay oo islamarkiiba gabadhayda sedexdeeda halkaan ii soo dhig ku soo booday. Sidoo kale gabadha wiilka reerkiisa ay ku baranee, mustaqbalkana waa ka digtoonaanayaan.

3. Akhlaaqda fiican ayaa lugu kasbadaa sida dulqaadka, cafinta iyo naxriista ee laga soo guuriyay nabigeena naxriis korkiisa ha ahaatee. Waxaanoo dhan laguma kasban karo akhris kaliya, qofka waa inuu si dhab ah u arkaa. Ruuxa aadanaha waa sida Diamondka, waa macdan uu nuurkeeda kaliya soo baxo marka shaqooyin badan laga qabto sida cadaadis xoog leh oo dab lugu gubo, jarjarida iyo soofaynta.

4. Kalgacaylka labada isqabtaa waa kordhayaa, Aqoonta laysku lahaa ayaa kordhaysa oo qof walibaa wuxuu ka hadlayaa siduu dareemay ayaamihii dhibaatada jirtay oo qof walba aamusnaa oo dhinaca kale madaxiisa u jeedinaayay sariirta. Tusaale ahaan, xaaska waxay dhahee, habeenkii dhan hurdada waa iga haaday fikir dartii iyo ninkii wuxuu leeyahay shaqada waa tagaayay maahane, qalbigayga ma joogin. Asxaabtayda shaqada xitaa waxay i dhahaayeen war ninyow maxaa kugu dhacay, nashaadkii hore makaa muuqdee.

5. Qof waliba wuxuu dareemayaa nicmaduu ku jiray iyo in aan lakala deeqtooneen. Ragga iyo dumarkaba way taabanee, laakiin ragga ayaa aad ugu badan oo mudo ka dib marka wax walba isku duba dhacaan uu moodayo inuu qof u baahneen. Laakiin, markay dhibaatada jirto oo waxyaabihii joogtada ahaa uu heli jiray uu waayo, indhahaa u furmayo oo wuxuu ogaanayaa inuu nicmo ku jiray oo uusan ka deeqtooneen reerkiisa. Taasna waa wax fiican, markuu qofka bani’aadanka ogaado inuu nicmo ku jiray uuna aqoonsada meeshuu ka liitay ilaahay ayuu usoo noqonaa oo shukri ayuu la imaana, kibirkana oo dabeecad halis ah wuu xakamaynaa.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa akhristayaasha Allsiyaasad.com waano ku socota walaalahayga Soomaaliyeed rag iyo dumarba gaar ahaana dhalinyarada guurka ku cusub ama ku tala jira in ay guursadaan taaso ah:

Markay dhibaato ku soo food saarto dib ha a noqon ee gacanta kor ha u taagan sida adigoo riixaya (UNDO Button Ctrl Z) computerka. Waxaa lagaa doonayaa in aad dhina fiican wax ka aragto oo aad dhibaatada jirta si xikmad leh aa ku xaliso, hadaad awoodina aad talo weydiisato dadka kaa weyn oo kaa waayo aragsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada