Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Wafdiga Ahlusuna

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Wafdiga Ahlusuna

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.

Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.
Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlusuna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

30-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlusuna qeyb ka noqon doonto doorashada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada