MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Sharaxay Waxay isla meel dhigeen Maamulada, Midnimada, Dagaalka iyo Qorshaha Guud ee Horumarinta Qaranka

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Sharaxay Waxay isla meel dhigeen Maamulada, Midnimada, Dagaalka iyo Qorshaha Guud ee Horumarinta Qaranka

daajis.com:- Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Maxamed C.laahii Farmaajo ayaa Sharaxay Qodobada ay isla meel dhigeen Hogaanka Maamulada Dalka. “Waxaan ku heshiinay inaan isu tanaasulno. waxaan ku heshiiney dhibka Soomaaliya haysta ee amniga inaan ka wada shaqeyno oo Siyaasad guud aan ka lahaano sidii aan dalkan nabad ugu soo dabaali lahayn. Ummada Soomaaliyeedna nolol fiican aan ugu hogaamin lahayn”.

“Waxaan ka wadahadalnay arrinta ugu culus ee nahaysata abaaraha oo ilaahay aan ka baryeyno inuu naga dulqaado , waxaa keena abaaraha qayb ahaan waa colaad waxaan aaminsanahay coladaasi hadii qorshe loo sameeyo abaarahaasi iyo farkhiga Soomaaliya haysta inaan xal ka gaari karno .


Waxaan ku heshiinay inaan isku tashano inaan garbaha isqabsano , gacmaha isqabsano ummada Soomaaliyeed aan u shaqeyno dan shakhsi iyo mid gaar aan ka tagno bacdamaa ummada Soomaaliyeed ay ina soo wada eegayaan inaan xal u keeno.

Waxaan ku heshiinay howlgalada inaan si deg deg ah u bilowno ummada Soomaaliyeed abaaraha dhibaateeyeen aan gaarsiino , aan isu diyaarino qolada nabadiidka ah aan isu diyaarino si meelaha ay haystaan oo ummada ay ku dhibaateynayaan aan uga dul qaadno”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada