Muuqaal: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Ciidan ku dhintay

Muuqaal: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Ciidan ku dhintay

daajis.com:- Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar is qarxin ah oo maanta barqadii ka dhacay Warshadii nacnaca oo ku taal degmada Wadajir, halkaasoo ah xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay nin xirnaa jaakadaha xirna, kuna labisnaa dareyska ciidamada milateriga, kaasoo isku dhex qarxiyay gudaha xerada.

Illaa 10 askari oo ay ku jiraan labo sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhacay, xilli uu dhamaaday tababar subaxa hore ka socday xerada.

Sidoo kale in ka badan 10 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo la geeyay isbitaal ay leeyihiin ciidamada Milateriga.


Wararka ayaa sheegaya in ninka xirnaa jaakadaha qarxa uu isu ekeysiiyay ciidamada tababarka uga socday xerada, waxaana uu beegsaday ciidan iyo saraakiil meel fadhiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka is qarxinta ee ka dhacday xerada ciidan, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo tababarayaal.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milateriga oo ku aadan weerarka is qarxinta ee lagu qaaday xerada ciidan.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada Milateriga, waxaana shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha cusub Ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, kaasoo shalay un uu xilka la wareegay.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo is bedel guud lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii bishii February, waxaana ammaanka magaalada Muqdisho uu noqonayaa mid faraha ka sii baxayaan, dilal iyo qaraxyada oo sii badanaya awgood.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada