MUUQAAL: Shariif Xasan oo ka hadlay Dagaalkii adkaa ee uu la galay Jawaari, Arinta Calanka oo Jubooyinku ku jiraan Iyo Su’aalo Kala duwan oo la Hordhigay

MUUQAAL: Shariif Xasan oo ka hadlay Dagaalkii adkaa ee uu la galay Jawaari, Arinta Calanka oo Jubooyinku ku jiraan Iyo Su’aalo Kala duwan oo la Hordhigay

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan loolankii adkaa ee dhex maray isaga iyo Prof. Jawaari, Wuxuuna ka dhawaajiyey inuu isaga Madaxweyne isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya sidoo kalana uu Jawaari isku sharaxay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka.


Shariif Xasan ayaa la waydiiyey haddii uu jiray ballan lala galay Jawaari oo aheyd inuusan isku soo sharaxin guddoomiyaha Baarlamaanka, si Koonfur Galbeed ay u hesho ugu yaraan Madaxweyne iyo Ra’isulwasaare.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wax laga waydiiyey arrinta ku aadan Calanka Koonfur Galbeed oo weli aan wax laga badalin tan iyo markii laga soo badalay Magacii Lixda Gobol ee uu hoggaamiyaha u ahaa Madoobe Nuunow.

Wuxuu ku jawaabay inaysan dhibaato ku jirin haddii calanka Koonfur Galbeed sidaan iska sii ahaado macnaha uu lixda xidig sii lahaado, isagoo ku fasiray arrintaas si Lixda xidig loo isticmaali karo laba gobol ama seddex gobol.

” Muhiim maahan lix xiddig iyo 3 xidig, kaliya wixii la rabo ayaa loo adeegsan karaa, lixda ayaan seddex ka dhigan karnaa, seddexdana lix ayaan ka dhigan karnaa, muhiimadana waa in Calanka Koonfur Galbed uu matalo seddex gobol” ayuu yiri Shariif Xasan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada