Muuqaal: Shirkii u Furmay DF-Somalia iyo Maamulada Dalka iyo Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiirka Shiinaha

Muuqaal: Shirkii u Furmay DF-Somalia iyo Maamulada Dalka iyo Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiirka Shiinaha

daajis.com:- Shirka Muqdisho uga socda Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah ayaa waxaa maanta Furay madaxweyne Farmaajo , kadibna waxaa shir gudoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari.

Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada, adkeynta Ammniga iyo shirka London oo laga arrinsaday in la isku raaco wixii lala tegi lahaa.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Arrinta shirka London wuxuu sheegay inay muhiimtahay in dowladda Federaalka iyo maamulada Xubnaha ka ah ay la tagaan shirkaas wax ay ku midaysanyihiin, si buu yiri ay aduunka u tusaan dadka Soomaaliyeed siday isugu duubanyihiin, Waxaana  ka qaybgalay Shirka  Madaxweyne Farmaajo , Guddoomiye Jawaari, Ra’isalwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka .


Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee China u soo magacowday Soomaaliya , Ambs. Qin Jian.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada