RW ku xigeynka Soomaaliya oo ka hadlay qaabka kaliya oo ay ku kala badbaadi karaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada

RW ku xigeynka Soomaaliya oo ka hadlay qaabka kaliya oo ay ku kala badbaadi karaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada

daajis.com:- Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaliya Mahd Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay hal arrin oo sababi karto inay dowladda Iyo Maamul Goboleedyada isku fahmaan wada qeysiga awoodda dalka iyo inuusan dhicin khilaaf ka dhex bilowdo.

Mahd Maxamed ayaa ka dhawaajiyey inuu dalka qaatay Federaal taasna ay la micno tahay inay jiraan waxyaabo dowladda u furan iyo kuwa Federaalka u furan.

“Madaam uu dalka uu qaatay Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay”

Hadalka Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa imaanayo xilli uu dalka ku jiro xaalad Federaal ah, taasoo ay k dhalatay is qabqabsi weyn oo u dhaxeeyo dowladda iyo Maamul Goboleedyada, maadaama aysan jirin sharci awood leh oo kala saarayo dowladda iyo maamul Goboleedyada.
Maamul Goboledyada qaar ayaa iska sameesanayo waxyaabo lagama maarmaan ay aheyd in lasoo mariyo dowladda dhexe, taasoo ay ka mid tahay heshiisyada lala galayo dowladaha shisheeye iyo Mashaariicda laga fulinayo deegaanada ay ka arrimiyaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Wadamada sida weyn ugu xadgudbay sharciyada Caalamiga ah ayaa waxaa kamid ah dowladda Imaaraadka Carabta oo si sharci darro ah heshiis ula gashay Maamulka Somaliland oo isaga aaminsan inuu ka go,ay Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa  heshiisyo aysan ka warqabin dowladda dhexe la gashay maamul Goboleedka Puntland, waxaana xusid mudan in Cabdiweli Gaas u joogo Imaaraaadka sidii uu u dhameystiri lahaa heshiisyo ay galeyn Puntland iyo Imaaraadka.

Wadada ugu saxsan oo ay iskula shaqeyn karaa dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa ah in lagu dhaqmo shuruucda Caalamiga ah oo ay ku dhaqmaan dowladaha isticmaalo federaalka.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada