Wasiirka Amniga oo maanta daah-furay hab cusub oo loo qaadanayo Baasaboorka”Sawiro”

Wasiirka Amniga oo maanta daah-furay hab cusub oo loo qaadanayo Baasaboorka”Sawiro”

daajis.com:-Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurey habka cusub ee qadashada Basaboorka Soomaliya oo laga hirgaliyey dalka.

Habkaan cusub ee qadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu hubinayo qaadashada basaboorka, iyada oo la raacayo hanaan isku xiran oo ku salaysan sharciyada iyo xeerarka bixinta Jinsiyadda, Aqoosiga iyo baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale wuxuu wasiirka kormeer guud ku sameyay xaruunta bixinta Basaboorada iyo xaafiisyada maamulka Hay’adda Socddaalka iyo Jinsiyadda, wuxuuna la kulmay shaqaalaha iyo shacabka loo adeegayey, isaga oo su’aalo weydiiyey shacabka sida ay u arkaan hanaanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxmed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Hay’adda Socdaalka waxa uu uga mahadceliyay Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay.
Hab-raacan cusub ee qaadashada Baasaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qaadanaya Baasaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Baasaboorka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada