DAAWO: Gaas oo Khudbad ka jeediyey Oslo-Norwey, Kana hadlay Xidhibaano Nairobi ku shiray “Kama yeeli Doono..”

DAAWO: Gaas oo Khudbad ka jeediyey Oslo-Norwey, Kana hadlay Xidhibaano Nairobi ku shiray “Kama yeeli Doono..”

daajis.com:- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa Khudbad dhinacyo badan u jeediyey Jaaliyadda Halkaasi ku dhaqan, Sidoo kale wuxuu ka hadlay xildhibaanada mucaaradka ah ee ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka ee shalay doortay madaxweynaha Soomaaliya durbo seddex bilood kadib inay mucaaradnimo kala horyimaadaan dowladda Farmaajo.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilooyin jirsatay ayna wanaagsan tahay in xildhibaanada baarlamaanka ay la sugaan xilli lala xisaabtami karo oo waqti la siiyo.


” Sida aad la socotaan waxaa Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya Waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo”.
Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay ka mideysan yihiin dhismaha ciidamada qaranka islamarkaana ay gudan doonaan waajibkooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada