Guddiyaddii Aqalka Sare oo hab qabiil lagu loo xulay iyo shaki badana uu ka jira

Guddiyaddii Aqalka Sare oo hab qabiil lagu loo xulay iyo shaki badana uu ka jira

daajis.com:- Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Somalia oo maalintii axadii iska soo xulay guddiyada joogtada ayaa waxaa ka taagan dood dhalisay shaki badan, kadib markii guddiyada qaar lagu soo xulay hab qabiil.

Arrinta shakiga badan dhalisay isla markaana dooda ay ka taagan tahay guddiga arrimaha dibada oo seddax ka mid ah yihiin hal qabiil.

Guddiga arrimaha dibada ayaa waxaa ay kala yihiin
  • Cabdrisaaq Cismaan Xasan Juriile, beesha Daarood.
  • Cabdisalaam Xaaji Maxamed, Beesha Daarood.
  • Faadumo Xasan Aadan Geriyo, Beesha Daarood
  • Ilyaas Cali Xasan, Digil iyo Mirafle
  • Ayuub Ibraahim Yusuf, Dir
  • Maxamed Cusmaan Faarax, Hawiye

Guddigaan arrimaha dibada oo seddax ka mid ah hal jufo kasoo jeedaan ayaa waxaa ay iska dhex dooranayaan guddoomiye, iyadoo taasina ay tahay, reer wax dooranayo, go’aanada ay soo saaraan guddigaani uu noqonayo go’aan kasoo baxay reer oo uusan noqoneyn go;aan qaran soo saaray.

Waxay arrintaasi caqabad ku noqoneysaa howsha qaran ee aqalka sare maadaama guddigaan uusan aheyn mid ay ku mideysan yihiin Soomaalida kale.

Guddiyada kale ee la iska soo xulay ayaa waxaa ku mideysan beelaha kale, sida sharciga ahna guddi walba waa in hal xubin uu ku yeeshaa maamul goboleedyada dalka ee ku dhisan hab beeleedka.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in arintaani ay si toos ah ugu jiraan guddoonka oo doonaya in qof iyaga kasoo jeeda beesha daarood guddoomiye u noqdo guddiga arrimaha dibada.

Go’aanada ay soo saaraan guddigan ayaa wuxuu la micno yahay go’aan kasoo baxay beel, taasina waxay dhaawacaysaa qaranimada iyo nidaamka dowladeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada