DAAWO: Shil gaari dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Garoowe

DAAWO: Shil gaari dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Garoowe

daajis.com:- Ilaa shan qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay kontoroolka bari ee magaalada Garoowe, waxaana ku dhaawacmay ilaa todobo kale oo qaarkood dhaawacyadooda aad u culus yihiin.

Shilkan ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen gaari booyad ah oo biyo siday iyo gaari kale oo nooca Soomaalida u taqaan Dyna, waxaana la sheegay in dadka geeriyooday ay afar ka mid ah ahaayeen qoys.

Faahfaahinta kasoo baxaysa shilka waxay sheegaysa in afar ka mid ah dadkii ku dhintey ahaayeen Odoyaal u socday xalinta arrimo qoys ama beel sida uu warbaahinta u xaqiijiyay duqa caasimada Puntland Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir).
Goobta shilku ka dhacay waa laamiga mara duleedka bari ee magaalada,gaar ahaan goobtii horey looga rarey Kastamka,kuna dhaw agagaarka warshada biyaha JUBBA,Waana shil kusoo beegmay xilli roobaad lagu jiro .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada