Howlgal ka dhacay madaxtooyada oo lagu qabtay askar Shabaab looga shakiyay

Howlgal ka dhacay madaxtooyada oo lagu qabtay askar Shabaab looga shakiyay

daajis.com:- Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa sheegaya in maanta ciidamo gaar ah howlgal ka fuliyeen Villa Somalia kadib markii laga shakiyay askar gudaha u gashay oo loo maleynaayo inay xiriir la leeyihiin Al-SHabaab,

Ilaa sedax askari ayaa la sheegay in lagu qabtay howlgalkaasi ka dhex dhacay madaxtooyada, kuwaasoo la xiray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in laga war helay askar ka tirsan ciidamada madaxtooyada oo xiriir la leh Al-Shabaab. waxaana suuragal aheyd in ay qorsheynayeen weerar ka dhex dhaco gudaha madaxtooyada.

Feejignaan iyo xaalad kacsan ayaa ka jirtay maanta madaxtooyada, waxaana la yareeyay dhaqdhaqaaqa ciidamada ee gudaha madaxtooyada.


Wax war ah oo kasoo baxay xafiiska madaxtooyada iyo laamaha amniga oo arrintaani ay kaga hadlayaan ayaa ilaa weli jirin iyo wixii ka dhacay gudaha madaxtooyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada