daajis.com:- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Canab C/llaahi Ciise ayaa saaka ku dhaawacantay shil, kaddib markii gaari ay saarneyd uu ku qalibmay duleedka magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka ay soo gaartay dhaawac fudud, iyadoo bur bur xooggan uu soo gaaray gaarigii ay la socotay.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa ku sii socotay magaalada Muqdisho, waxaana gaarigeeda uu shil ku galay Tuulada Boorow oo qiyaastii magaalada Jowhar u jirta 15KM.
Marwo Canab ayaa hada lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Jowhar, inkastoo la sheegayo in dhaawaceeda aanu sidaa u weyneyn.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa ah mid aad u bur bursan, waxaana ka dhaca mararka qaar ka dhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at