daajis.com:- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dacwad u gudbisay dowlada Kenya, kadib markii ay sii kordheen dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Nairobi.
Dowlada Federaalka ayaa Kenya ka dalbatay inay la socto dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Xildhibaanada ku sugan magaalada Nairobi oo ay ku eedeysay inay cuuryaaminayaan horumarada ka socda dalka.
Xiriir dhexmaray labada dowladood ayaa la sheegay in Kenya laga dalbaday inay cuuryaamiso kulamada iyo is uruursiga xad dhaafka ah oo ay wadaan Xildhibaanada waxa ayn madaxda DFS ku sifeeyen Xildhibaanadaasi inay yihiin kuwo aan arki karin Horumarada ka socda dalka.
Dowlada Somalia waxa ay sidoo kale Kenya ku wargalisay in dhaqdhaqaaqyada ka socda Nairobi ay dhaawacayaan dowladnimada ka curatay Soomaaliya, waxaana loogu baaqay Kenya inay qaado talaabo lagula soconaayo Xildhibaanadaasi, sida laga soo xigtay Mas’uul ka tirsan DFS.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah Mas’uuliyiinta dhawaqa DFS la gaarsiiyay ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya aanay dhici doonin.
Sidoo kale Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay marnaba ogolaan doonin shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay qaadi doonaan talaaboooyin looga hortagaayo shirarkaasi.

Inkabadan 88 Xildhibaan, ayaa Axadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madasha Horusocod, waxayna gudoomiye u doorteen Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.
Dhinaca kale, Xildhibaanadan, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hadafkoodu ugu muhiimsan uu yahay, in la dhiso xisbi mucaarad ah, oo aqlabiyad ku leh Baarlamaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:58 and have
, Published at