daajis.com:- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay ayaa waxaa uu kaga dhawaaqay in maamulkiisu ay ka shaqeyn doonaan sidii xaquuqda gobolka Banaadir loo heli lahaa.
Thaabit Cabdi Maxamed Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay ineysan cadaalad aheyn in Muqdisho oo ah caasimadda dalka aysan wax xaquuq ah ku laheyn dowladda isla markaana ay sanadahan ka shaqeyn doonaan sidii arintaas wax looga badali lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa dhanka kale si adag uga hadlay sida uu maamulkiisu ugu baahan yahay taageerada beelaha dega gobolka Banaadir oo uu ku tilmaamay ineysan la’aantood shaqeyn karin.
Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili uu cadaadis siyaasadeed oo xoogan kala kulmayo dadka Muqdisho kuwaas oo si dhab ah uga doonaya dowladda in la meel mariyo maqaamka gobolka Banaadir
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at