daajis.com:- Xildhibaanadii labada aqal ee Soomaaliya, Islamarkaana kasoo Jeeda degmada GOLDOGOB ee Gobolka Mudug oo aan hal mid ahi ka maqneyn, ayaa soo gaadhay deegaankii laga soo doortay si loola xisaabtamo, iyaguna ay dowladnimada u gaarsiiyaan deegaankooda.
Waxaa La sheegay inay Kulamada dhexmaray Xildhibaanada iyo Waxgaradka deegaanka Looga hadlay Sidii dadka Deegaankaasi ay Xaqii ay ku Lahaayeen uga Heli lahaayeen Maamulka Puntland.
Dhinaca waxaa la sheegay in madaxwaynaha maamulka Puntland oo Dareensan Kacdoonka ku Jira qaar kamid Beelaha Degan Puntland ayaa Go’aansaday in Markii u Horaysay la furo tirada Golaha Baarlaamaanka, Islamarkaana laguna kordhiyo 7 Xildhibaan oo cusub, kuwaasi oo ka kala imaanaya beelaha.
1- Beesha Leelkase 2 Xildhibaan (Galdogob)
2- Beelaha Tumaal/Madhibaan 2 Xildhibaan
3- Beesha Mareexaan 1 Xildhibaan
4- Beesha Dir 1 Xildhibaan
5- Beesha Awr-table 1 Xildhibaan.
Tiradaan oo ah 7 Xubnood ayaa haddii Baarlamaanka Puntland oo hadda ah 66 ay ogolaadaan ka dhigaysa tirada Guud 73 Xildhibaan. Waa arrin ku xiran go’aan Baarlamaan. Waana markii ugu horraysay tan iyo intii la unkay Puntland 1998-dii uu soo baxo Hindise ceyn-kaan oo kale ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:28 and have
, Published at