Gaadiidka AMISOM oo laga mamnuucay inay isticmaalaan Makka-Almukarama

Gaadiidka AMISOM oo laga mamnuucay inay isticmaalaan Makka-Almukarama

daajis.com:-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa soo saaray amar cusub oo gawaaridda AMISOM ka mamnuucaya in ay isticmaalaan Waddada dheere ee Makka- Almukarama ee Muqdishu.

“Isgooyska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Banaadir laga bilaabo saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo, gawaaridda AMISOM ma isticmaali karaan”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in amarka uu dhaqan-galay shalay oo taariikhda ay ku beegneyd 8-da bisha May ee sanadkan 2017.

Dhinaca kale afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa yiri “Amarkan waxaa uu yimid, kadib markii Guddoomiyaha Gobolka uu arkay tallooyinka hay’addaha ammniga iyo cabashada dadka rayidka ah”. 

Gawaaridda AMISOM, ayaa inta badan waxaa ay shilal ka geystaan waddada mashquulka badan ee Makka- Almukarama.
Waddada Makka- Almukarama ee Muqdishu, ayaa ah wadda keliya ee ugu mashquulka badan caasimada Soomaaliya, waxaana ay kuugu qaadaneysaa in aad dhex-marto ugu yaraan 30 daqiiqo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada