DAAWO: Nin u eg Lionel Messi oo lagu xiray Iran kadib markii lagu jahawareeray

DAAWO: Nin u eg Lionel Messi oo lagu xiray Iran kadib markii lagu jahawareeray

daajis.com:- Booliis dalka Iiraan ayaa xiray wiil arrday ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay sawirro la galaan Reza Parantes, oo laga aqoon Messi, waxayna booliska qabteen isaga iyo gaarigiisiiba si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo arruuray ninkan.

Mushkiladda ayaa billaabatay billooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawirro ku galo funaanadaha uu ku dheelo Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee uu ku dheelo.


Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas ka dibna billaabay in uu timaha u jarto sida Messi garkana sii daysto.

Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan Messi-gii reer Iiraan ayna doonayaan in aan matalo waxkaste oo uu sameeyo. Marka uu meelaha tagana ay dadku aad u yaabaan.

“Waan ku faraxsanahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana dhiirigalin badan ka helaa”.

Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin dhar ayuuna helay.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu baranayo xeelado kubadeed si uu ugu sii ekaado Messi.   


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada