Falanqeyn : Maxay ku kala duwanaan doonaan Shirkii London ee Xasan Shiikh iyo Kan Farmaajo!?

Falanqeyn : Maxay ku kala duwanaan doonaan Shirkii London ee Xasan Shiikh iyo Kan Farmaajo!?

daajis.com:- Ra’isulwasaaraha dalka Ingiriiska iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah 11 Bishaan u furi doono shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo lagu qaban doono Caasimadda Ingiriiska ee London.

Shirweyne caalami ah ayaa lagu qabanayaa magaalada London ee dalka Boqortooyada UK, waxaana looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna waxaa diiradda loo saaraya Amniga, Kheyraadka, Siyaasada iyo Abaaraha dalka ka jira.

Ergada caalamiga ah ee Somalia u matalaysa Beesha Caalamka ayaa aadi doonta bisha May magaalada London, sidaas oo kale Madaxda dawladda Faderaalka ee Muqdisho & Kuwa dawlad gobaleedyada ayaa si gaar ah loogu kala casumay.

Wararku waxay sheegayaan in ka qeybgalayaasha shirkan baaxadaas le’eg iyo saacadaha kooban ee lajoogayaba ay yihiin kuwa aan is laheyn, oo ay dawladda UK jeedin doonto oo kaliya qoraal ay horey u soo diyaarisay.

Shaki weyn ayaa laga muujinayaa ujeedada shirkan kusoo beegtay waqtigan xasaasiga ah, sidaas oo kale qadiyada la xariirta arrimaha Shidaalka iyo horornimada shirkadaha UK ayaa kamid ah arrimaha taagan.

Waxaa kaloo la is waydiinayaa sida loo fullin doono waxyaabaha shirkaas kasoo baxo, iyadoo la og yahay in shirkii koowaad ee London ka dhacay inaan waxba laga fulin qodobadii laga soo saaray iyo lacagihii Soomaaliya looga yaboohay.

Waxaa shirkaan loogu talagalay in lagu mashquuliyo Dowladda Soomaaliya, marnaba lama saadaalinayo inay beesha Caalaamka iyo ingiriiska fulin doonaan qodobada kasoo baxo shirkaas, marka haddii aan Soomaaliya wax loo qabaneyn, waa waqti lumis in madaxda badan la isugu geeyo meel isla markaasna la qudbeeyo.

Halkaan hoose ka aqriso qodobadii laga soo saaray shirkii London ee lasoo gabagabeeyey 23 Febraayo, 2012,  lacagihii loogu yaboohay Soomaaliya iyo waxyaabaha ka suurta galay:

Yaboohyada dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.

75Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.

Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.

Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Qatar 18 Million $ oo dollar.

Dhammaan yaboohyadan waxey hordhac u yihiin yabooh dhaqaale oo ay caalamku wadajir ugu taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya ayadoo taageradaasi inteeda badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Qodobada laga soo saaray shirkaas

  • Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.
  • In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.
  • Dhameystirka Dastuurka qabyada
  • La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka
  • In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho
  • Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland
  • Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.
  • In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka deeqaha bixiya.

Si dagan u aqri qodobadaas oo dhan isla markaasna iisoo xariiq hal qodob oo laga fuliyey dhammaan wixii kasoo baxay shirkii London oo ay hormuud u aheyd dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Beesha Caalamka maanta isma badalin, kaliya waxaa is badalay shaqsiyaadkii majaraha u hayey siyaasadda Soomaaliya, midaasna kama dhigno in Soomaliya wax loo qaban doono, waxa laga filayo shirkaas waa in laga soo saaro qodobo aan la fulin doonin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada