Sulley Ali Muntari oo laga cafiyey ganaaxii halka kulan ahaa, ka dib markii uu garoonka midab takoor darti uga baxay

Sulley Ali Muntari oo laga cafiyey ganaaxii halka kulan ahaa, ka dib markii uu garoonka midab takoor darti uga baxay

daajis.com:- Ganaaxii halka kulan ahaa ee ay Xiriirka Kubadda Cagta Italy (Italian Football Federation) kusoo rogeen Sulley Ali Muntari ayaa meesha laga saaray ka dib markii xiddigaan u dhashay Ghana uu garoonka ka baxay iyadoo ay u sabab aheyd aflagaado cunsuri ah oo uu kala kulmay taageereyaasha kooxda Cagliari.

Muntari ayaa cabasho u gudbiyey garsooraha kulankaas ay kooxdiisa Pescara guuldarrada 1-0 ah kala kulantay Cagliari Isbuucii lasoo dhaafay, si ciyaarta loo hakiyo maadaama uu aflagaado iyo erayo cunsuri ah oo midabkiisa quseeya uu kala kulmaayey taageereyaasha Cagliari.

Laakiin garsoorku waa uu ka diiday arrintaas, iyadoo uu bedelkeeda jaalle u taagay. Xiddigii hore ee kooxaha Portsmouth iyo Sunderland ayaana garoonka ka baxay maadaama garsoore Daniele Minelli uu diiday inuu ka aqbalo cabashadiisa.

Xiriirka ay ku mideysan yihiin Ciyaartoyda Kubadda Cagta oo dhan ee FIFPro ayaa ugu baaqay Xiriirka Kubadda Cagta Italy (Italian Football Federation) inay meesha ka saaraan ganaaxaan maadaama xiddigaani uu qaatay jaallihiisii shanaad ciyaartaas isla markaana ay tahay inuu sida sharciga ah hal kulan seego.

Xiriirka Kubadda Cagta Italy (Italian Football Federation) ayaana aqbalay iyagoo haatan xaqiijiyey in ganaaxa Muntari ee halka kulan ahaa meesha laga saaray isla markaana jaallahaas la nasakhay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada