daajis.com:- Diego Maradona ayaa daaha ka qaaday in uusan isticmaalin wax daroogo ah 13kii sanno ee ugu dambeeyey, wuxuuna daaha ka qaaday in rajadiisa mustaqbalka ee haatan ay tahay inuu tababare u noqdo kooxda uu jecel yahay ee Napoli.
Isagoo wareysi siiyey hillinka Talyaaniga laga daawado ee Amici, halyeeyga lagu naanayso Pibe de Oro ayaa dunida la wadaagay sida qoyskiisu ay uga caawiyeen inuu ka baxo maalmihii mugdiga isla markaana uu helo wax walba oo uu nolosha uga baahnaa.
“Haatan muddo 13 sanno ah ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee aan isticmaalay daroogo, haatan waxaan door bidayaa inaan caruurteyda la ciyaaro kubadda cagta iyo weliba qoyskeyga,” ayuu Maradona u sheegay Amici.
“Waxaan helay hab aan u maareeyo nafsaddeyda, waxaana uga mahadcelinayaa qoyskeyga oo iga saaray maalmihii mugdiga iyo maandooriyaha, si gaar ah gabadheyda Dalma.”

Markii wax laga weydiiyey halyeeyga qaranka Argentina haddii markale lagu arki karo garoomada, wuxuu ku jawaabay inuu leeyahay yool cusub.
“Haddii dadku ay sidaas doonayaan, waxaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalka tababare u noqdo kooxda aan jeclahay ee Napoli”. Ayuu yiri ku guuleystaha Koobkii Adduunka 1986dii.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at